Turkistaanta Bari waa dhul ballaaran oo dhaca mandiqadda loogu yeero Bilaadu Maa waraa An-Nahri, waxaana kunool malaayiin muslimiin ah, kuwaasoo gumeysi adag ku heysato dowladda Ilxaadka ee Shiinaha.
Hadaba si aan u ifinno xaaladda adag ee ay ku noolyihiin muslimiintan, ayaanu diyaarinnay barnaamij Ramadaani ah, oo si qota dheer usoo tabinaya xaaladda dhabta ah ee ay ku jiraan Muslimiinta Turkistaanta Bari.