Shabakadda Baraarug Media; waa warbaahin xooga saareysa arimaha sooyaalka iyo tixraaca Taariikhda, si la isugu xiro tagtada shalay iyo timaadada maanta.
Taariikhdu way isasoo celisaa, waana tooshka aan ku bidhaansano waxyaabaha aynu maanta la noolnahay, kuna odorosno waxa imaan kara, marka laga soo tago labada waxyi ee ah Kitaabka iyo Sunnaha.
Sidaas darteed, inagoo dooneyna inaan qeyb ka qaadanno wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed, si fudud oo sahlanna ugu soo bandhigno taariikhda ayaan jecleysannay inaan aas-aasno website-kan.
Waxaan soo gudbinnay oo ku diyaarsan website-ka gudihiisa barnaamijyo maqal ah, kuwaasoo laga soo khulaaseeyay kutubta ugu caansan ee laga qoray taariikhda Islaamka iyo tan mucaasirka ahba.
Waxaan soo gudbinnay inta ugu badan dhacdooyinkii iyo dowladihii soo maray Muslimiinta, laga soo billaabo Khilaafadii Raashidada ahayd illaa burburkii dowladdii Cuthmaaniyiinta. Waxaan sidoo kale diyaarinnay barnaamijyo ka hadlaya Sooyaalka Soomaalida.
Waxaa sidoo kale jira taxanayaal xiiso badan oo ku saabsan tajaarubta iyo marxaladaha ay soo mareen shakhsiyaad caan ka ah dunida Islamaka, kuwaasoo ku diyaarsan website-ka, laguguna diyaariyay afkaaga hooyo.
Waxaan rajeyneynaa in maadada halkan ku jirta ay noqoto turaath iyo dhaxal ay ka faa’ideystaan Umadda Soomaaliyeed.
Baraarug.info wuxuu hawada soo galay maalinnimo Axad ah 01-da Shawaal 1446 Hijriya, oo waafaqsan 30-ka March 2025.