Qabyaaladdu waa cudur dilaa ah, oo sababa in dadka xigtada iyo walaalaha ah ay is gumaadaan, maantana waxaa dalka Soomaaliya ka socda colaad beeleedyo ay hurinayaan Shisheeye kala duwan, oo danta ugu weyn ay leeyihiin tahay in dalku aanu degin, dowladna aaney ka dhalan.
Hadaba sidee bay Diinta Islaamka uga digtay qabyaaladda, dhibaato noocee ah ayayna ku leedahay bulshada? Dhageyso barnaamijkan gaarka ah.