Andalus Jannadii ay Muslimiintu waayeen, waa dhul barwaaqo sooran ah oo uu Islaamku ka talinayay 8 qarni oo xiriir ah, hase ahaatee markii dambe ay Nasaaradu la wareegeen, illaa iyo maantana ay ka taliyaan, waana dalalka xilligan loogu yeero Burtuqiiska iyo Spain.
Hadaba sidee ayuu Islaamku ku gaaray dhulkan, maxaana ka ognahay hogaamiyaashii Muslimiinta ee dhiigooda ku waraabiyay geedka Towxiidka, oo ka gudbay xuduuda Yurub? Dhageyso barnaamijkan gaarka ah.